Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada London

Nov 20 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada London ee carunta dalka Ingiriiska.

Wafdiga madaxweynaha ayaa halkaasi uga qeyb-galyo shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kulamo la qaadan doona Madaxda dalka Ingiriiska oo uu kala hadli doono dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo in ay ka taageeraan Soomaaliya qorshaha qaran ee qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran dalkeenna, maadaama ay xubin ka yihiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale khudbad u jeedin doona jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, wuxuuna warbixin kasiin doonaa xaalada dalka iyo qorshaha dowladda ee cirirbtirka kooxda Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More