Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ku wajahan magaalada Dhuusa-mareeb.

June 02 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socda qaban qaabo loogu jiro soo dhaweynta madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo labadii maalin ee ina dhaaftay ku sugnaa magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, si uu ugu kuur galo xaaladaha Bani’aadanimo iyo mid amni ee deegaanka ka jirta, iyadoo Galmudug ka mid tahay deegaanada ay saameysay abaaraha.

Madaxweyne Xasan ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusa-mareeb la kulmi doona madaxda Galmudug, Odayaasha deegaanka iyo qeybaha kale ee bulshada, wuxuuna kala hadli doonaa sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta deegaanka iyo isu soo dhaweynta maamulkaas iyo dowladda dhexe.

Waa lugtii labaad safarada uu ku tagayo xarumaha Dowlad Goboleedyada, tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay 15 bishii hore ee May, sidaan oo kale Madaxweyne Xasan Sheekh markii xilka Madaxweynaha loo doortay 10 September 2012 waxaa uu safarkiisa u horreeyay ee gudaha dalka ku bilaabo wuxuu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Beledweyne.

Galmudug ayaa caqabada ugu weyn ee haatan heysata waxa uu yahay Kooxda Ahlu-suna oo fariisin ku leh deegaanka Bohol, halkaasoo mararka qaar laga soo abaabulo duulaan ka dhan ah Dhuusa-mareeb, iyadoo arrimahaasi ay qeyb ka yihiin waxyaabaha ay doonayaan in wax lagala qabto madaxda Galmudug ee madaxweyne Xasan ay hordhigi doonaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More