Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Aadan Yabaal

Mar. 26 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay qaybaha bulshada degmada Aadan Yabaal oo ay ka dhageysteen warbixin ku saabsan xaaladaha nololeed ee deegaanka, iyaga oo uu xusay in degmada aysan ka jirin adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo korontada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bulshada degmada Aadan-yabaal ayaa sheegay in degmada iyo deegaanada kale ee laga xoreeyay Al-shabaab, si degdeg ah loo gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah isaga oo sidoo kale ka dalbaday bulshada deegaanka in ay ka hortagaan in deegaanka lagu dhibaateeyo dadka socotada ah.

Dhankale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka oo uu ku bogaadiyay guulaha ay kasoo hooyeen dagaalka lagula jiro Alshabaab isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan wejiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Waa markii ugu horeysay ee uu tago Madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii dib ,loogu doortay xilka madaxtinimada dalka bartamihii sanadkii la soo dhaafay,waxaana lagu wadaa inuu Madaxweynuhu kaga dhawaaqo Aadan Yabaal bilowga wajiga labaad ee dagaalka Alshabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More