Ra’iisul wasaare Xamze oo daahfuray adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka

Mar. 26 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daahfuray hirgelinta adeegga Isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta, kaas oo dhowaan ay hirgeliyeen shirkadaha dalka.

Adeegga Isku-xirka oo ay ka qeyb galayaan dhammaan shirkadaha haysta rukhsadda isgaarsiinta ee kala ah: Hormuud, SomTel, Golis, Telesom, Amtel, iyo SomLink, waxaa loogu talogalay inuu daboolo baahida dadweynuhu u qabaan inay isla xiriiri karaan iyagoo isticmaalaya shabakado kala duwan.

Isku-dayga ah in la isku xiro shirkadaha dalka waxaa la sameeyay laba mar oo hore oo kala ahaa sannadihii 2000 iyo 2014, hase yeeshee heshiisyadaasi way burbureen wax yar kadib maadaama aysan jirin shuruuc iyo hay’ado hirgeliya.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in iyadoo la faa’iideysanayo waaya-aragnimada isku-dayadii hore ee guuldarreystay, in haatan ay jiraan shuruucdii iyo xeerarkii lagu nidaamiyay isku-xirka shirkadaha, isla markaana Hay’addu ay diyaar u tahay inay korjoogteyso hirgelinta isku-xirka.

“Hirgelinta adeegga isku-xirka wuxuu horseedi doonaa wanaajinta adeegyada shirkadaha leh rukhsadda isgaarsiintu ay siiyaan macaamiisha iyo horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta Soomaaliya. Marka laga soo tago adeegga isku-xirka in uu yahay baahi iyo xaq uu macmiilku leeyahay, waxa uu sidoo kale halbeeg muhiim ah u yahay kobaca suuqa isgaarsiinta iyo maalgashiga teknoolojiyadda iyo hal-abuurka,” ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Mustafa Yaasiin Sheekh.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda, Md. Jaamac Xasan Khaliif oo goobta isagana ka hadlay ayaa ku sifeeyay hirgelinta adeeggan in uu yahay guul Soomaaliyeed.

“Dadaal dheer kaddib waxaa inoo suurtagalay inaannu ku guuleysanno hirgelinta adeegga isku-xirka. Guushaan waa mid aannu wada leennahay, waa guul Soomaaliyeed, waa guul qaran,” ayuu yiri Wasiirku.

Ugu dambeyntii, Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyey kaalintii ay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Shirkadaha Isgaarsiintu ku lahaayeen hirgelinta adeegga isku-xirka shirkadaha, wuxuuna sheegay in hirgelinta adeeggan uu yahay waajib sharci ah oo la fuliyey iyo xuquuq shacab oo la siiyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More