Madaxweynihii hore ee Brazil Bolsonaro oo laga mamnuucay siyaasada muddo 8 sano ah

June. 30 (Jowhar.com)-Maxkamadda sare ee doorashada Brazil ayaa cod aqlabiyad leh waxa ay ugu ugu codeysay in madaxweynihii hore Brazil Jair Bolsonaro laga mamnuuco inuu u tartamo xafiiska muddo sideed sano ah.

Mr Bolsonaro ayaa lagu helay dambi ah inuu ku takri falay awoodiisa ka hor codbixintii madaxtinimada ee sanadkii hore.

Waxaa lagu eedeeyay inuu wiiqay dimuqraadiyadda Brazil isagoo si been abuur ah u sheegay in codadka elektaroonigga ah ee la adeegsaday ay u nugul yihiin jabsiga iyo khiyaanada.

Qareenada Mr Bolsonaro ayaa la filayaa inay racfaan ka qaataan xukunka. Waxa ay ku doodeen in hadaladiisa aysan wax saameyn ah ku laheyn natiijada doorashada.

Haddii xukunka loo ogolaado inuu istaago, Mr Bolsonaro uma qalmi doono inuu ka qayb qaato doorashada madaxtinimo ee soo socota ee 2026, laakiin wuxuu awood u yeelan doonaa inuu mar kale isa soo sharaxo 2030ka. Waxa kale oo laga mamnuuci doonaa doorashooyinka dawladaha hoose ee 2024 iyo 2028.

Mr Bolsonaro ayaa ku tilmaamay go’aanka “mid dhabarka laga dhuftay” wuxuuna sheegay inuu sii wadi doono ka shaqeynta horumarinta siyaasadda garabka midig ee Brazil. Kiiska ka dhanka ah madaxweynihii hore ayaa ku saabsanaa khudbad uu jeediyay isagoo weli ah madaxweynaha 2022-ka.

18kii Luulyo, wuxuu ku casuumay dublamaasiyiin ajnabi ah hoygiisa oo ku yaal caasimadda Brasilia, halkaas oo uu been abuur ku sheegay in mishiinnada codbixinta ee elektaroonigga ah ee Brazil ay u nugul yihiin in la jabsado oo ay u furan tahay khiyaamo ballaaran.

Mr Bolsonaro waxa uu ku adkaystay in uu si fudud u sharaxay sida ay doorashadu uga socoto Brazil oo aanu dhaleecayn ama aanu weerarin nidaamka doorashada.

Laakiin khudbadda ayaa timid iyada oo uu socday olole madaxweynanimo oo uu Mr Bolsonaro uu kula tartamayo jagada ugu sarreysa ninka ay xafiiltamaan ee garabka bidix Luiz Inácio Lula da Silva.

Doorashadii sida xun loogu dagaalamay waxay gashay wareeg labaad 30kii Oktoobar waxaana ku guuleystay Lula codad aad u yar.

Mr Bolsonaro waligiis si fagaare ah uma uusan qiran guuldaradiisa wuxuuna ka tagay Brazil oo uu aaday Florida labo maalmood ka hor inta aan Lula loo dhaarin xilka madaxweynaha.

Taageerayaashiisa, oo diiday inay aqbalaan natiijada doorashada, ayaa 8-dii Janaayo xoog ku galay Congress-ka Brazil, madaxtooyada iyo dhismaha ay degan tahay Maxkamadda Sare.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More