Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku wajahan magaalada Jowhar

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Nairobi ayaa ku sii jeeda magaalada Jowhar, halkaasoo ay ka socoto howlaha lagu soo xulayo Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle, dhowaanna ay ka dhici doonto doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Xilliga uu magaalada Jowhar tegeyo Shariif Sheekh Axmed ayaan si rasmi ah loo ogeyn hase yeeshee waxa uu Shariif Sheekh Axmed tegin magaalada Jowhar muddo sanado ah.

Tegitaanka magaalada Jowhar Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay u ku soo beegmeysaa iyadoo magaalada Jowhar ay ka socoto xulista xildhibaanada 2aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.

Hase yeeshee,Shariifka ayaa la ogeyn sida uu galaangal ugu yeelan karo dhismaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle, maadaama shaqada ka socota Jowhar ay heer gabogabo ay mareyso.

Inkastoo Hirshabelle ay tahay deeggaanka uu ka soo jeedo ayaa la rumeysan yahay in xilligan looga saameyn badan yahay, isla markaana dowlada federalka ay tahay tan gacanta ku hayso awooda soo xulista iyadoo dowladu ay gacan weyn ku lahayd magacaabidii xubnihii Guddigii doorashada heer Federaal ee dhowaan uu magacaabay Madaxweyne Waare.

Qaar ka mid ah salaadiinta Hirshabelle ayaa ka deyrinaya sida ay u socoto soo xulista xildhibaanada 2aad ee baarlamaanka Hirshabelle iyadoo la sheegayo in duubabka dhaqanka la siiyay liiska magacyo ay dowlada fedealka dooneyso inay ka mid noqdaan xildhibaanada baarlamaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More