Madaxweynihii hore Sheekh Shariif iyo Madaxweynaha Koofurgalbeed oo kulmay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa caawa kulan ku yeeshay caasimada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka, marxalada kala guurka iyo khilaafka ka taagan doorashada dhaceysa oo weli aan heshiis rasmi ah laga gaarin.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulankan diirada lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka jira doorashada iyo qaabka uu furmi lahaa Shirka guud ee Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.

Sheekh Shariif ayaa Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen u sheegay in muhiim ay tahay in kaalintiisa uu ka qaato dadaalka loogu jiro sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor ah oo heshiis lagu wada yahay, isla markaana laga wada qeyb qaato.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkan kulan la qaatan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed, waana kulankiisii ugu horreeyay ee muddo kadib la yeesho Shariifka.

Waxaa maanta hakad galay shirar maalmihii lasoo dhaafay u socday Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka, waxaana Madaxda ay isku fahmi waayeen qodobka ah Ajendaha Shirka Madaxda ee la filayo inuu ka dhacdo Teendhada Afisyooni ee Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More