Madixii Jabhada Shabaab ee Koofur Galbeed iyo ilaaladiisa oo lagu dilay gobolka Bakool.

June 04 (Jowhar.com)-Faah faaino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay ciidamadda xoogga dalka ka fuliyeen deegaano ka tirsan Koofur Galbeed oo ay ku dileen askar iyo saraakiil la sheegay iney ka tirsan yihiin kooxda Al shabaab.

Weerarka oo ka dhacay deegaanka Ceel-Cuni ee gobolkaasi ayaa la sheegay in lagu dilay 11 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo uu ku jiro sarkaal sare, iyadoo goobta ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamadda xoogga dalka.

Taliyaha guutada 9-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Col. Cali Xabad  ayaa sheegay in xubnaha ay dileen uu ku jiray Maxamuud Nuur Gacal oo magaciisa afgarashada uu yahay (Sheekh Al-Sima), kaas oo Al-Shabaab u qaabilsanaa jabhada gobolada Baay iyo Bakool ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Majirto wax war ah oo Shabaab ay ka soo saartay weerarkan, mana jirto ilo si madax banaan u xaqiijin kara jabkan ay ciidamadda dowladda sheegeen iney gaarsiiyeen kooxda Shabaab oo dhibaato ku heyso deeganao kamida Koofur Galbeed, iyagoo deegaanada qaar ay go’doon ay galiyeen aan la isaga gudbi karin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More