Magaalada Baydhabo oo markale  lagu doortay xildhibaano cusub

Magaalada Baydhabo ayaa saaka waxaa ka dhacay doorasho kuraasta Golaha Shacabka iyadoo xildhibaano cusub lagu doortay.

Maxamed Cabdi Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#188 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#185 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Baydhabo.

Mid kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Barre Maxamuud ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#159 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Baydhabo.

Doorashada ayaa sidoo kale waxaa ku guuleystey kursiga lambarkiisu yahay Hop#175 Cabdirashiid Maxamed Nuur.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More