Ra’iisul Wasaare Rooble oo u ambabaxay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo kulammo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal la yeelan doona madaxda sare ee dalkaas.

Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka sii sagootiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Imaaraadka ayaa noqonaya kii u horreeyay oo Mas’uul heerkiisu sareeyo oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka socda ku tago dalkaas, tan iyo sanadkii 2018, xilligaasoo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyr safar ku tagay, iyadoo dhowr todobaad kaddibna uu xiriirka labada dal uu xumaaday, dhacdadii Ciidamada Amniga kula wareegeen lacag mallaayin dollar ah oo u socotay Safaaradda Imaaraadka, is hor-taagna lagu sameeyay diyaarad Diblomaasiyiin Imaaraad la socdeen.

Dowlada Soomaaliya iyo wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkooda uu soo wanaagsanaanayay bilihii la soo dhaafay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More