Mahad Salaad oo taliye cusub u magacaabay Nabad Sugida Gedo kadub dilka Bakaal Kooke.

Dec. 16 (Jowhar.com)-Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa maanta taliye cusub u magacaabay Nabad Sugida gobolka Gedo, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray.

Jeneral Jamaal Xasan Sarey oo ka tirsan kumaandooska ciidamada Milateriga, ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee sirdoonka kaasoo hadda hoggaamin doona ciidamada NISA ee gobolka Gedo.

Sarkaalkan ayaa la faray inuu deg deg xilka ula wareego, isla mar ahaantaasina uu dar dar galiya shaqada hay’ada ee la xiriirta ciribtirka kooxda Shabaab oo deegaano badan ka joogta gobolka Gedo.

Si kastaba, magacaabista taliyahan cusub ayaa kusoo beegantay todobaad kadib markii qarax lagu dilay taliyihii NISA ee Gedo Bakaal Kooke, kaasoo lagu khaarijiyay qarax miino oo lagula eegtay inta u dhexeysa Luuq iyo Doolow, waxaana shaki badan uu hareeyay in qaraxaas Shabaab kaliya ay ku kooban tahay fulintiisa

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More