Mahad Salaad;”Alshabaabka diley Ikraan waa Fahad Yaasiin”

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay war ka soo baxay hay’ada nabad sugida qaranka oo lagu sheegay in Ikraan Tahliil oo ka mid ahayn nabad sugidda Soomaaliyeed ay dileen Alshabaab.

Mahad Salaad ayaa sheegay in Ikraan Tahlil aysan dilin Alshabaab balse dilkoodu uu ka dambeeyo Hay’adda Nabad Sugida Fahad yaasiin.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa xildhibaan Mahad Salaad ayaa u qornaa sidan;

“Al-Shabaabka Fahad Yaasiin sheegay in ay dileen Ikraan Tahliil waa ISAGA. Isagaa dilay, duugayna Ikraan Tahliil. Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay furtaan gal dacwadeed Fahad ka dhan ah. RW Maxamed Xuseen Rooble waxaan kula talinayaa in uu xilka ka qaado ninkaas dambiilaha ah, dalkana in uu ka baxo aan loo oggolaanin si Maxkamad loo soo taago!”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More