Maraykanka oo markale ugu baaqay madaxda soomaalida in la soo gabgabeeyo doorashada

Dowlada Maraykanka ayaa markale ku celisay baaqoodii ahaa in lagu soo gabagabeeyo doorashada golaha shacabka waqtigii lagu heshiiyay.

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa mar kale ugu baaqday Madaxda Soomaalida inay ka dhabeeyaan balanqaadkooda ahaa in doorashada Baarlamaanka lagu soo gabagabeeyo 25-ka bishan Febraayo.

“Dowladda Mareykanka waxay la xisaabtami doontaa ciddii carqaladeysa hannaanka doorashada”ayaa lagu yiri Qoraalka Twitterka ee Safaaradda Mareykank ee Muqdisho.

Doorashada golaha shacabka ayaa waxaa uu ka socdaa dowlad goboledyada dalka waxaana ka dhiman inkayar muddo toddobaad ah waqtigii loo qabtay gabagabada doorashada oo ku beegan 25ka bisha febraayo 2022.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More