Maraykanka oo soo dhaweeyay doorashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya

April 29 (Jowhar.com) –Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo shalay la soo gabagabeeyay.

War ka soo baxay safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa loogu baaqay in si dhaqso ah loo qabto doorashada Madaxweynaha.

“Waxaan u hambalyeyneynaa hoggaamiyayaasha cusub ee loo doortay baarlamanka Soomaaliya oo xilli xasaasi ah la wareegaya mas’uuliyaddooda,waxaana aan ku boorineynaa in si dhaqso ah loo soo gabagabeeyo hanaanka doorashada Soomaaliya oo ah doorashada madaxweynaha.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale doorashada guddoonka labada aqal ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo dhaweeyay dalal badan oo caalamka ka mid ah gaar ahaan wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More