Premier Bank oo $21,000 ku abaalmariyay ardaydii ku guuleysatay Tartanka Hal-abuurka Ganacsiga

April 29 (Jowhar.com) – Bangiga Premier ayaa xalay Muqdisho ku qabtay xaflad uu abaalmarin maaliaydeed oo l$21,000 ah ku guddoonsiiyay seddaxdii arday ee kaalmaha hore ka gashay Tartanka Hal-abuurka Ganacsiga oo markii ugu horreysay bangigu sanadkaan u qabtay ardayda dhigata jaamacadaha Muqdisho ee leh hibada iyo halabuurka ganacsi.

Ugu horreyn waxaa munaasabadda furay Madaxa Xiriirka Dadweynaha ee Premier Bank oo ka warbixiyay tartanka. Mudane Axmed-Nuur ayaa sheegay in ay tartankaan oo codsadeen illaa 31 hal-abuure oo uu bangigu u saaray guddi ku sameeyay qiimeyn hordhac ah. Wuxuuna sheegay in ay qiimeyntii guddiga ka soo gudbeen oo ay tartankan ka qeybgaleen 12 hal-abuure oo ka kala yimid 10 Jaamacadood.

Waxaa kaalinta koowaad galay Aaran Agrifarm oo uu ku tartamayay Cabdiraxmaan Sabriye oo ka scoday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku guuleystay $9,000. Kaalinta labaad waxaa galay Cagaaran Waste Management & Recycling oo uu ku tartamayay Ismaaciil Cabdalla Cali oo ka socday SIMAD University, wuxuuna ku guuleystay $7,000. Kaalinta seddaxaadna waxaa ku guuleystay Xirfadle Freelance Platform oo uu ku tartamayay Cabdirisaaq Geelle oo ka socday Jamhuriya University of Science and Technology, waxaana lagu abaalmariyay $5,000.

Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed Prof. Maxamed Maxamuud Bidey oo xafladda ka hadlay ayaa Premier Bank ku bogaadiyay tartanka, wuxuuna jaamacadaha ugu baaqay in ay u sii diyaargaroobaan tartankan oo sanad kasta lagu qaban doono Muqdisho. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan oo xafladda soo xiray ayaa Premier Bank ku bogaadiyay taageeridda dhalinyarada leh hibada iyo hal-abuurka ganacsi, wuxuuna bangiga ku ammaanay kaalinta ay leeyihiin dib-u-dhiska dalka iyo sida ay dhalinyaradaan uga taageereen hirgelinta hal-abuurkooda iyo rumeynta riyooyinkooda.

Waxaa xusid mudan in uu bangigu tartankaan oo kale uu sanadkii shanaad ka qabtay magaalada Hargeysa. Maamulka Bangiga ayaana ballanqaaday in ay sanad kasta tartankan ku qaban doonaan Muqdisho, hadduu Alle idmo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More