Mareykanka, Japan iyo Kuuriyada Koofureed oo heshiis kala saxiixday

FILE PHOTO: Sung Kim (L), US Special Representative for North Korea, Noh Kyu-duk (C), South Korea's Special Representative for Korean Peninsula Peace and Security Affairs, and Takehiro Funakoshi (R), Director-General of the Asian and Oceanian Affairs Bureau of the Ministry of Foreign Affairs of Japan, pose for a photo during their trilateral meeting at a hotel in Seoul, South Korea June 21, 2021. Jung Yeon-Je/Pool via REUTERS

Apr. 08 (Jowhar.com)-Kuuriyada Koonfureed, Maraykanka iyo Japan ayaa ku baaqay in la xoojiyo taageerada caalamiga ah ee dedaallada lagu mamnuucayo shaqaalaha.

Ay Kuuriyada Woqooyi u dhoofiso dalalka debedda, iyo weliba in la xakameeyo weerarada dhinaca internetka ee dalkaas, taas oo lacagaha uu ka helo, uu ku maalgeliyo hubka nukliyeerka.

Ergada sarsare ee Maraykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan u qaabilsan hubka nukliyeerka oo Jimcihii ku kulmay Seoul, ayaa ka wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa kororka gantaallada hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Woqooyi.

Tijaabadii ay dhowaan sameeyeen Kuuriyada Woqooyi ayaa muujinaysa inay weli gucle ugu jiraan inay helaan gantaallo horumarsan oo ay ku weerari karaan Maraykanka iyo xulafadiisa, halkii ay wadahadal ka geli lahaayeen.

Inkasta oo Qaramada Midoobay ay 11 jeer dalkaas ku soo rogtay cunaqabatayno, iyo weliba dhibaatooyinkii ka dhashay xanuunkii COVID ee dunida kala xidhay, haddana weli Kuuriyada Woqooyi waxay qaybo badan oo khayraadkeeda ah ay u isticmaashaa horumarinta hubka nukliyeerka.

Meelaha ay u badan tahay inay dhaqaalaha ka hesho waxaa ka mida, jabsashada lacagaha Internetka lagu isticmaalo, iyo weerarada sharcidarrada ah ee Internetka ay ka samayso

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More