Mareykanka oo $ 5 milyan dul dhigay madaxa Injineerka Shabaab u sameeyo qaraxyada

Jun. 14 (Jowhar.com)-Mareykanka ayaa ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa 5 milyan oo doollar ciddii keenta xog ku saabsan Cabdullaahi Cusmaan Maxamed oo loo yaqaan Injineer Ismaaciil oo ah khabiir sare oo Al-shabaab u sameeya qaraxyada.

Eedeysanahan ayaa sidoo kale ah la-taliyaha hoggaamiyaha Al-shabaab, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Mareykanka.

Mareykanka ayaa intaas ku daray in Cabdullaahi Cusmaan Maxamed uu sidoo kale yahay madaxa waaxda warbaahinta ee Al-shabaab ee Al-kaib.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More