Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen oo wadahadal ka yeeshay dagaalka Baraawe

Jun. 14 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa wadahadal gaar ah ka yeeshay xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Baraawe ee gobolka Sh.hoose.

Xildhibaan Cali Siciid Fiqi ayaa kulankii maanta ee baarlamaanka ka sheegay in Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen ay kulan gaar ah ka yeeshene sidii loo dajin lahaa xiisada, waxaana ay ku balameen in wadahadal toos ah ay ku yeeshaan Muqdisho.

Xildhibaan Cali Siciid Fiqi oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka ayaa kulanka ka sheegay jiritaanka wadahadalkaasi, wuxuuse walaac ka muujiyay xirnaanshaha garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe.

“Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Lafta Gareen wadahadal ayey ka galeen xiisada Baraawe,laakiin weli waxaa xiran Garoonka Diyaaradaha Baraawe” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Si kasta, fadhigii maanta waxaa hareysay dood culus oo salka ku heysa xiisada magaaladaasi, waxaana jiray xildhibaano kasoo kala jeeda beelaha halkaasi isku haya oo isugu hanjabay kulankii mudanayaasha ay yeesheen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More