Mareykanka oo 5 milyan oo dollar dul dhigay Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab

Feb. 28 (Jowhar.com)-Mareykanka ayaa markii u horreysay abaal marin gaareysa 5 milyan oo dollar dul dhigay Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere)

Barnaamijka Abaal Marinta Cadaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa shaacisay in Cali Dheere uu ku lug lahaa qorsheynta weeraro argagixiso oo ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya.

Afhayeenka Shabaab Cali Dheere ayaa kamid ah saraakiisha sar sare ee kooxda Shabaab, iyadoo uu badanaa ka soo muuqdo warbaahinta kooxdaasi isagoo ku faanaya weerarada kooxdaasi oo ay dadka shacabka ah ku laayaan.

Cali Dheere dhowr jeer oo hore ayaa loo sheegay in la dilay, walow wararkaasi ay been abuur noqdeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More