Mareykanka oo duqeyn ku dilay 5 ka tirsan Al-Shabaab

Aug. 18 (Jowhar.com)-Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa sheegay in duqayn is-difaacid wadajir ah ay la beegsadeen maleeshiyaadka al-Shabaab 15-kii bishan August, ayna ku dileen shan ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab.

Duqayntan ayaa AFRICOM sheegtay inay ka dhacday meel u dhow Cali Heele oo 244 KM Waqooyi Bari ka xigta Muqdisho.

Duqayntan ayaa Maraykanku sheegay inay ahayd mid lagu taageerayey ciidamada dawladda Soomaaliya.

AFRICOM ayaa sheegtay inaan dad rayid ah waxba ku noqonin duqayntan.

Duqayntan waxaa horey u baahiyey warbaahinta dawladda Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More