Wariye C/risaaq Mire Dhoore oo dib u helay xoriyadiisa

Aug. 18 (Jowhar.com)-Wararka aanu ka heleyno magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in ugu dambeyntii wariye Cabdirisaaq Mire Dhoore uu dib u helay xoriyaddiisa.

Dabley hubeysan ayaa ku dhowaad muddo todobaad ah duleedka magaalada Beledweyne afduub ugu haystay Cabdirisaaq, oo ah suxufi isla markaana la shaqeeya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Dableyda afduubatay suxufigan ayaa la sheegay inay dabo taagnaayeen dilka nin horey looga dilay jufadooda oo qayb ahaan diyadii lagu xukumay aan la bixin.

Baaqyo kala duwan oo loo jeediyay dableyda afduubka gaystay iyo dedaal dheer kaddib, waxaa xalay lagu guuleystay in la so siidaayo Cabdirisaaq Mire.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More