Mas’uul ka tirsan Koofur Galbeed oo lagu dhex dilay isbitaalka Buurhakaba.

Dec. 08 (Jowhar.com) -Kooxo hubeysan ayaa Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ku dishay Iskuduwihii Wasaaradda Caafimaadka ee degmadaasi.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Dr. Bishaar Ibraahim Cali (Xuub) waxaa toogashadiisa geysatay koox la sheegay iney gaari wateen, iyagoo xoog ku galay isbitaalka, waxeyna toos u abaareen xafiiskii mas’uulkan, halkaasoo ay dhowr xabadood qeybaha sare ee jirkiisa kala dhaceen.

Weerarka kadib, dableydan oo Shabaan lala xiriiriyay ayaa ku baxsatay gaari nooca raaxada ah oo ay wateen, waxaana daqiiqado kadib halkaasi gaaray ciidamadda amniga oo ku fashilmay soo qabashada danbiilayaasha.

Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba, Cabdi Maxamed Axmed ayaa sheegay iney ku raad joogaan Shabaabkii dilka u geystay dhaqtarka oo ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay degmada Buurhakaba, iyadoo toogashadiisa ay argagax ku beertay dadkii shacabka ahaa.Mas’uul ka tirsan Koofur Galbeed oo lagu dhex dilay isbitaalka Buurhakaba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More