Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Kaxda oo qarax lagu dilay.

June 04 (Jowhar.com)- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo duhurninadii maanta ka dhacay magaalada Muqsisho, iyadoo qaraxaasi lala eegray gaari NOAh-ahaa oo uu watay mas’uul ka titsan maamulka degmada Kaxda.

Sida wararku sheegayaan, qaraxa oo ahaa Miino nooca dhajiska ayaa loogu xiray gaariga uu watay mid kamida ah mas’uuliyiinta canshuuraha laga qaado xaafadaha u qaabilsan maamulka degmada Kaxda oo lagu magacaabo C/Fitaax Axmed Afrax Janaqoow, wuxuuna xiligaasi marayay xaafada Suuq Boocle degmada Dharkiinkeey ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho

Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan degmada Dharkiinkee ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in isla goobta uu ku geeriyooday marxuumka, iyadoo meydkiisa loo qaaday xarunta baarista danbiya ee C.I.D, halkaasoo sawirran looga qaaday si baaris dheeraad ah loogu sameeyo.

Ciidamada amniga oo daqiiqado kadib tagay halka dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgalo baaritaana ah iyagoo ku guuldareystay iney gacanta ku soo dhigaan kooxihii qaraxan ka danbeeyay, waxeyna sii daayeen dhalinyaro ay ka shakiyeen oo markii danbe la aqoonaaday.

Falalka amni daro ee u badan qaraxyada ayaa maalmahan ku soo badanaya caasimadda, iyadoo Khamiistii qarax ka dhacay Deyniile lagu dilay mas’uul isaguna gobolka Banaadir u qaabilsanaa canshuuraha laga qaado Xoolaha Geella ee la keeno gobolkan Banaadir.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More