Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo sheegay in aan lagu qaban karin doorasho Garbahaarey

Mas’uuliyiinta Golaha Fulinta iyo Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ee ka soo jeedo Gobolka Gedo ayaa u soo jeediyay Madaxweynaha Jubbaland in laga fikiro xal kale oo suurta gelinaya.

Qabsoomida doorashada 16 kursi ee deegaan doorashadooda tahay Garbahaarey, maadaama NISA ay ciidamo badan oo lagu magacaabo Duufaan ku daabuleen Gobolka Gedo, kana abuureen xaalad ku dhisan Cabsi gelin.

Xubnahan ayaa waxaa ay soo saareen qoraal ka kooban saddex bog kaasoo ay ku xusan yihiin qodobo aysan suurtogal ka dhigeyn in doorasho ka dhacdo Garbahaareey.

Waxaa qoraalkan lagu sheegay in hay’adda Nabadsugidda NISA ay Gobolka Gedo ka abuureen siina huriyeen xaalad amni daro oo horseedi karta gacan ka hadal hubeysan oo dhex mara beelaha wadaaga kuraasta matalaada, ayna is abaabuleen isna hubeeyeen sideed beelood oo ku sugan deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka laga soo saaray doorashada Jubbaland;

 

 

 

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More