Musharaxiinta 4 kursi oo doorashadoodu ka dhacayso Dhuusamareeb oo la shaaciyay

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa shaaciyay musharaxiinta afar kursi oo ka mid ah golaha shacabka kuwaasoo doorashadoodu ka dhacayso maalinta berri ah 14ka bisha Febraayo 2022 magaalada Dhuusamareeb.

Afartan kursi ayaa sida la filayo marka laga reebo hal kursi oo hore u baaqday qabashada doorashadeeda ayna u sharaxan yihiin 7 musharax si kulul loogu tartami doono, halka saddexda kursi ay u muuqdaan kuwo la isu tanaasulayo amaba tartan xoog leh uusan ka dhex jirin.

Doorashada ayaa waxaa lagu bilaabi doonaa kursiga uu u sharaxan yahay Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame halka kursiga uu u sharaxan yahay Kulane Jiis uu yahay kursiga saddexaad ee lagu dooranayo Dhuusamareeb.

Kursiga HOP#138 waxaa ku tartami doona Musharixiinta kala ah :-

1- Cabdirahmaan Cabdishakuur Warsame.
2- Naciimo Xuseen Cali

Kursiga HOP#007 ayaa waxaa ku tartami doona Musharixiintaa oo kala ah :-

1- Farah Cabdi Diini
2- Mohamed Cabdi Cali

Kursiga HOP#040 waxaa ku tartami doona Musharixiinta kala ah :-
1- Cabdullaahi Aadan Kulane
2- Xasan Cabdi Jaamac

Halka kursiga HOP#053 ay ku tartami doonaan musharixiinta kala ah;
1. Reysal Qorane Abshir
2. Xaajiyo Axmed Gaas
3. Farxiyo Abdulahi Shiiqdoon
4. Ubax Abdi Ali
5. Zamzam Xasan Diiriye.
6-Fahmo Caabi Guureeye.
7- iyo Hani Cabdi Gaas

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More