Maxa ka dhacay Magaalada Burco dhamadki 80 kii

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (N.S.S 1976 – 1991) Gunaandkii 80 aad kii ayaan magaalada Burco shaqo u tagay , waxaa xoog ku lahaa magaalada Wadaaddo dadka wacdi iyo waano kula wareegay , waxaa ka mid ahaa Sheekh Mustafe Xaaji intaan xasuusto , waxaa Masaajidka Cashar ka marin jiray wadaad kale oo aan haattan xasuusan magaciisa , Raggaas oo badankood ahaa Reer Burco Kacaanku ( gaar ahaan NSS ) uma sahlanayn in gabigood xabsiga loo taxaabo .

Waxaa ka mid ahaa  xeerarka  NSS ay Dalka ku maamulaysay in sadex gobol oo laf dhabarta u ahaa Dawladdii Kacaanka laga ilaaliyo qalaalase inuu ka dhaco , Nabad sugiddu waxay aamin sanayd Togdheer , Galgaduud iyo Gedo inay ahaayeen laf dhabarta Dawladdii Askarta haddii sadexdaa gobol qalalaase siyaasadeed ka dhaco in Dalku gali karo Dagaal ay ay adkaan doonto damintiisa.

Magaaladii ugu horaysay ee gacanka Dawladdii Kacaanka ka baxday waxay ahayd Burco Dalka intiisii kalana wuxuu galay qalalaasihii ay NSS ka baqaysay , reeraha dagan Togdheer iyo gobalada waqiiyi guud ahaan markay colaaddii ku guulaysteen xakamaynta dagaaladii deegaankaa ka socday,  woqiiyi waa dagay oo nabad ayay haattan ku naaloonayaan , malahayga iyadoon Gedo iyo Galgaduud la dajin sida Togdheer loo dajiyay Koonfur ka bixi mayso jahawareerkan haattan ragaadiyay .

Aan dib ugu noqono ducaaddii joogay Burco ee Dadkii badankii hanuuniyay kalana wareegay hobaladii u heesi jiray kuna hagi jiray jidkuu Kacaanku u jeexay in laga weeciyana waa dhib saday kacaanku xarigoodana waa lagu dhiiran waayay mar qura , waxay isugu imaan jireen Maqaayad shaaha laga cabbo subaxa hore oo uu lahaa Nin Maamule Iskuul ahaa oo reer Kismaayo ahaa Hooyo reer Burco ahna ay dhashay xididna la ahaa sida aabihii, waxay NSS isku dayday in ninkaas la shaqaalaysiiyo waan ku guul daraysanay , waxaan go’aan ku gaarnay inaan u ekaysiino inuu yahay wariye ku dhexjira wadaadada oo NSS warka u tabiya.

Waxaan ku soo qaadnay gaari ay NSS lahayd waxaana soo hor marinay Masaajid Jaamaca  xili salaadda laga soo dareerayay umaanan ekaysiin maxbuus inuu yahay dhawr qof ayaa isha ku dhuftay , waxaa durba suuqa galay inuu yahay wariye NSS leedahay , muddo kadib si loo xoojiyo tuhunka laga qabay wadaadkaas waxaa lasoo xiray dhawr wadaad oo uu ku jiro , markiiba xabsiga banaankiisa ayaa sariir loo dhigay si gooni ahna waa loo maamuusay, habaynkii halkaas ayaa loo ogolaaday inay xaaskiisa u keento wax uu cuno subaxiina tartiib ayaa la soo daayay, durba rag baa ku dhaartay inuu basaas NSS yahay Maamulaha Iskuulka ahna mulkiilaha mukhaayadda ay ducaaddu isugu yimaadaan.

Wadaadadii ayaa markiiba kala shakiyay oo qaarkood waaba isaga baxsadeen magaaladii Burco , waxaanu ka shaqaynay sidii loo joojin lahaa wacdiga iyo waanada shacabka oo uu Kacaanku u arkayay halis , waxaanse ahayn moogayaal uu madax maray Kacaanku oo waxaanu sida iblays marba la imaan jirnay hagar daamooyin lagu hor istaagayo fidinta qiyamka iyo akhlaaqiyaadka islaamka , waana sababaha soo da dajiyay burburkii foosha xumaa ee afka ciidda u galiyay awooddii lixaadka lahayd ee Dawladdii Kacaanka.

Xasuustii F. Xiirane
Sarkaal (N.S.S 1976 – 1991)
fahiira@gmail.com
Twitter @fxiirane

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More