Maxaa kasoo kordhay xaalada caafimaad ee madaxweyne Qoor qoor?

Sep 16 (Jowhar.com)- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xaalada caafimaad ee madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo xildhibaano heer federaal ah oo kusoo dhaawacmay Ismiidaamintii shalay ka dhacday deegaanka Laasgacameey ee gobolka Mudug.

Madaxweyne Qoor qoor oo dhaawcayo fudud qaba ayaa la dhigay Isbitaal ku dhex yaala xerada Xalane, halka Senator Cabdi Qeybdiid iyo Senator Dhabancad la dhigay Isbitaalka ATMIS ay ku dhex leedahay xerada Xalane.

Wasiirka amniga gudaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Aadan (Madoobe) ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in xaalada madaxweynaha ay wanaagsan tahay.

“Madaxweynaha wuu fiican yahay Alxamdulilaah, waxaana fashilinatay dhagartii Khawaarijta, Ilaahayna wuu ka nabad-geliyay shacabkii, ciidamadii meesha joogay iyo dhammaan mas’uuliyiinta, marka waa fiican yahay madaxweynuhu” ayuu yiri wasiirku.

Waxa uu hadalkiisa intaasi kusii daray in madaxweynaha uu baaritaano yar marayo, dibna uu ugu laaban doono furimaha dagaalka.

“Xamar wuu gaaray laakiin wax dhib ah oo maanta la dhihi karo culays iyo dhib wayn oo gaaray ma aysan jirin, marka xaaladda waa sidaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan aysan saameyn ku yeelan doonin howlgallada socda iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, haddana uusan jirin dhib weyn.

Si kastaba, mas’uuliyiintan waxaa badbaadiyay laba askari oo kamid ah ilaalada madaxweyne Qoor qoor, iyagoo gaari Cabdi Bile ah kuhor jaray gaariga uu watay Ismiidaamiyaha oo ay fashiliyeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More