Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee golaha shacabka?

Nov 29 (Jowhar.com)-Kalfadhiga 4-aad kulankiisa labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS oo maanta uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa waxaa uu ajandihiisu ahaa dhameystirka doodii socotay ee la xiriirtay xaalada fatahaadaha ka jira dalka iyo khasaarihii ka dhashay, iyo qeybtinta warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka ku dhamaaday 31-ka Decembar 2022-ka iyo qeybinta qoondaha Miisaaniyadda 2024.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa si isku mid ah ugu dooday ugana qiirooday qoysaska Soomaaliyeed ee wax yeeladu ka so gaartay fatahaada iyo daadadka ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada dalka, waxayna xildhibaannadu soo jeediyeen in hay’adaha dowladda u xilsaaratay arrimaha samafalka iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS loo yeero.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo gunnaanaday kulanka maanta ayaa waxaa uu ku soo gabagabeeyay in loo yeero Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka si wax looga weeydiiyo xaalada fataahaadaha ka jira dalka iyo halka ay wax marayaan, maadaama Xildhibaannada soo jeediyeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More