Maxaa looga hadlay shirkii maanta ee golaha wasiirada Hirshabelle?

July 12 (Jowhar.com)- Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen Guudlaawe ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta dul istaagay hadal qoraalkii ka soo baxay shirkii hore ee golaha waxaana uu faray Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka in si deg deg ah uu kusoo diyaariyo dukumentari cadeynayo baaxada abaarta jirta ee saameysay dadka iyo xoolaha.

Madaxweynaha ayaa warbixinta guud ee howlaha amniga ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre waxaana uu faray diyaarinta dugsiga tababarada ciidanka si loo dardargaliyo tababarada ciidamada booliiska iyo daraawiishta maamulka Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqooyinka adag ee ay hayaan Golaha Xukuumada Hirshabeelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More