Maxaa loogaga hadlay Shirkii Madasha Badbaado Qaran ee maanta Muqdisho ka dhacay?

Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho shir ay isugu yimaadeen madaxda Madasha Badbaado Qaran oo dhowaan loogaga dhowaaqay Muqdisho.

Madashan ayaa waxaa ku mideysan maamulada Puntland iyo Jubaland, Midowga Musharixiinta iyo Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ayaa waxaa Maanta Shirkii Koowaad uu ugu furmay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Guddoomiyaha Madasha Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Maanta oo talaado ah uu furmay Shirkii ugu horreeyay ee Madasha Badbaado Qaran, isla markaana looga hadlayo xaaladda dalka iyo arrimaha doorashada.

Waxaa uu sheegay Cabdi Xaashi in dalka uu dhib ku jiro oo la isku heysto sidii loo qaban lahaa doorasho loo dhan yahay, waxaana uu sheegay in Madasha loo dhisay sidii dalka looga bixin lahaa xaaladda muragsan ee uu ku jiro xiligaan.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka jirto xaalad amni xumo oo Madaxda dowladda degmada Afgooye aysan ku tegi karin gaari, isla markaana looga baahan yahay si looga baxo in heshiis laga gaaro khilaafka taagan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran ayaa waxaa uu caddeeyay in Shirka Madasha uu sii socon doono ilaa iyo inta laga gaarayo heshiis doorasho oo loo dhan yahay, ayna u taagan yihiin badbaadinta Qaranka.

Shirkaan u furmay Madasha Badbaado Qaranka ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo shir Madaxda dowladda iyo qaar kamid ah kuwa maamul Goboleedyada uga socda Teendhada Afisyooni, kaasi oo ay ka maqan yihiin Axmed Madoobe iyo Deni.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More