Maxaabiis ka baxsatay xabsi ku yaal dalka Ethiopia

Wararka ka imanaya dalka Ethiopia in xabsi ku yaal magaalada Nefas Mewcha ee gobolka Axmaarada ay ka baxsadeen shalay maxaabiis tiradoodu gaareyso 130.

Kalabar maxaabiistan ayaa illaa iyo hadda iyadoo baxsashada maxaabiistana ay gacan ka geysteen jabhada Fano ee ka barbar dagaalamaysa dawladda dagaalka ay kula jiraan jabhadaha ka soo horjeeda gobolka Tigreega ee dariska la ah.

Taliyaha booliska gobolka Tekola Ayifokeru, ayaa sheegay in ragga hubaysan oo la socday saddex baabuur, ay sidoo kale jabsadeen bakhaar hub ah oo ay bililiqeysteen.

Wuxuu sheegay in 65 maxbuus la qabtay, 16 ka mid ah raggii weerarka soo qaadayna la dilay, saddex askari oo boolis ahna la dhaawacay.

Taliyaha ayaa sheegay in isku day kan la mid ah todobaadkii hore lagu sameeyay xabsi qiyaastii 325km (200 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Nefas Mewcha ee magaalada Finote Selam.

Maxaabiista xaruntaas ayaa markaa loo gudbiyay Nefas Mewcha, halkaas oo looga shakisan yahay inay adeegsadeen taleefoonnada gacanta ee xabsiga lagu soo galiyay si ay u abaabulaan baxsashada maxaabiista.

Dhinaca kale,wararka ka imanaya dalka Ethiopia ayaa sheegay in ugu yaraan 50 sarkaal lagu la’yahay deegaanada ay dhawaan ciidamada Itoobiya dib uga qabsadeen jabhadda Oromada ee Liberation Army (OLA).

Degmada Gidami, oo ah deegaan fog oo ka tirsan gobolka Oromia, isla markaana xuduud la leh Koonfurta Suudaan, ayaa waxaa muddo laba bilood ah gacanta ku hayay fallaagada.

Waxaa laga cabsi qabaa in kuwa maqan ay u xiran yihiin OLA.

“Dadka la afduubtay waa shaqaale dowladeed, iyo xubno ka tirsan maamulka deegaanka,” ayuu yiri Tesema Wario oo ah madaxa ammaanka ee deegaankaas.

OLA ayaan waxba ka sheegin halka ay ku sugan yihiin.Kooxdan ayaa lagu eedeeyaa in ay bartilmaansadeen oo ay dileen tobonaan sarkaal oo ka tirsan gobolka ay ka jirto Oromiya, taas oo ay had iyo jeer beeniso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More