Maxay ka wadahadleen Laftagareen iyo guddiyada doorashooyinka?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa la kulmay Guddiyada Doorashooyinka Federaalka (FEIT), Heer Dowlad-Goboled ee Koofur Galbeed (SEIT) iyo Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Kulankan ayaa la sheegay in loogaga hadlay cabashooyin laga keenay qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee lagu soo doortay magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Federaalka (FEIT) Maxamed Xasan Cirro oo saxaafada la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameynayo kursiga tirsigiisu yahay HOP#103 oo doorashadiisu muran ka dhex dhaliyay Guddiyada doorashooyinka heer federal iyo Koofur Galbeed.

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in baaritaan lagu sameyn doono kursiga HOP#103 ee uu hakiyay Guddiga Doorashooyinka FEIT ayna la kulmid oonaan dhinacyada ay quseyso.

Kursigan ayaa waxaa hore ugu fadhiyay guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Cismaan Jawaari iyadoo guddiga doorashada FEIT uu amray in la jooiyo halka ay ku gacan saareen guddiga doorashooyinka koofurgalbeed isla markaana la qabtay doorashada kursiga.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan sheegay in aan loo dulqaadan karin cabashooyinka ka imanaya doorashooyinka golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More