Maxkamada ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay askari diley labo ruux oo rayid ah

Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku filisey magaalada Beled Xaawo askari ka tirsanaa ciidamada NISA oo lagu helay inuu ka dambeeyay dilka labo dhalinyaro ah.

Askarigan oo ahaa dable Maxamed Cali Xuseen ayaa lagu helay dilka labo dhalinyaro ah bishii aynu soo dhaafney Degmada Baladxaawo ku dilay garoon lagu ciyaarayay kubadda magaalada Baladxaawo.

Maxkamada aya fadhiyo kala duwan ka yeelatay kiiska xukunsanha,iyadoona ugu dambeyntii 9-Bishaan Xukunkiisa uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha maxkamada qeybta 27aad ee Ciidamada qalabka sida Gashaanle Maxamed Amiin Cabdule waxana goobta lagu fulinayay xukunka gobjoog ahaa xafiska xeer ilaalinta maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ee ka howlgasha degmada Baladxaawo.

Hase yeeshee waxaa ay ciidamada xukunka fulinayay ay rasaas ku kala eryeen dadweyne banaanbaxayay oo diidanaa fulinta xukunka waxaana rasaastaas ku dhaawacmay shan ruux oo ka mid ahaa dad ehel la ahaa askariga xukunka dilka ah lagu fuliyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More