PSF;”Waxaa nalagu soo qaaday weerar gardarro ah oo lagu jebiyay sharcigii”

Hay’ada Puntland Security Forces PSF ayaa ku eedeysay maamulka Puntland inuu ku soo qaaday weerar gardaro ah oo socday muddo labo cisho ayna iska difaaceen.

Qoraal ay soo saareen PSFta oo dagaal kula jirta ciidamada maamulka Puntland ayaa waxa ay ku sheegen inay ka xun yihiin wixii ka dhacay magaalada Boosaaso oo ay ku tilmaameen in mas’uuliyadeeda ay qaadayaan wixii sameeyay.

“Dadkii ayagu argagixisadda ka tirsanaa oo aan bulshadeena ka difaacaynay haatana ku gabanaya xasaanadda dowladda marnaba nama eedayn karaan, Puntland naba-deeda iyo horumarkeeda geed walba waan u harsanay ayna kasii shaqeyn doonaa Eebe Idinkiis.”ayaa lagu yiri qoraalk ay soo saareen PSFta.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxa ay PSFta ku sheegtay inay u taagan yihiin la dagaalanka argagaxisada iyo cid kasta oo amni darrada ku lug leh.

PSFta waxa ay ku eedeysay maamulka Puntland inuu diiday gartii ay u dhiibteen Isimada Puntland, isla markaana ay Boosaaso ka bilaabeen barakicin Bulsho, balse dhankooda ay kasoo horjeedeen colaada iyo dhibaatada Shacabka.

Hase yeeshee qoraalka ayaysan ku xusin inay aqbaleen xabad joojin uu ku dhawaaqay wasiirka amniga Puntland.

Wararkii u dambeeyay ee ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xaalada magaalada ay xasiloon tahay balse aan la ogeyn in ay dhaqan gashay xabad joojintii ay ku dhawaaqeen maamulka Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More