Maxkamada ciidamada oo xukuno dil iyo xabsi ah ku fulisay askar ka tirsan K/Galbeed

Dec 23 (Jowhar.com)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad ayaa Maanta Xukunno kala Duwan Ku Riddey rag Katirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed oo lagu helay in dhac iyo dil ay ka Geysteen Magaalada Baydhabo.

Muxyadiin Cali Cabdullaahi ayaa Maxkamaddu ku Xukuntey Dil toogasho ah oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Nuur Salaad kaas oo ahaa Ardey Dhigta Iskuulka Al Qalam Ee Magaalada Baydhabo waana lagu fuliyey dilka, Halka Shuceyb Cali Mursal lagu Xukumey 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60aad G/sare Sheikh Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ka soo baxay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More