Booliska Muqdisho oo gacanta ku dhigay nin dil kasoo geystay Nairobi oo baxsad ahaa

Dec 23 (Jowhar.com)-Ciidanka booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen nin baxsad ah, kaasoo dil kasoo geystay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

War kasoo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkan oo xogtiisa ay hayeen uu si dhuumaaleysi ah kusoo galay Muqdisho, laamaha amaanka oo xogtiisa hayayna ay gacanta ku dhigeen.

Booliska ayaa sheegay in cadaalada la horgeyn doono ninkan.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka booliska:

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajib ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray eedeysane baxsad ah laguna magacaabo Axmed Abdiraxmaan Abdullahi kuna eedeysan in uu dilay Marxuum Maxamed Xasan dilkaas oo ka dhacay Caasimadda Dalka Keyna ee Nairobi.

Waxaana la horgeyndoona Cadaalada hadii Allaha idmo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More