Maxkamada Ciidamada Puntland oo taageertay xilka qaadista uu sameeyay Madaxweyne Deni

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Puntland ayaa markii u horraysay war ka soo saartay arrimo ku saabsan maamulka ciidamada iyadoo sheegtay inuu awooda ugu sareysa ciidamada Puntland u leeyahay Madaxweynaha.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu amray Agaasimaha hay’adda PSF S/Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr in uu mas’uuliyad iska saaro Ilaalinta dhammaan Hantida Ciidanka PSF ha noqoto kuwa dhulka yaal iyo kuwa badda.

Maxkamada ciidamada Puntland ayaa waxa ay qoraalkeeda ku sheegtay in sharciga lala tiigsan doono cid kasta oo ka hortimaada qawaaniinta sharciga iyo kala dambeynta dowliga ah.

Waxaa weli taagan khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha Puntland iyo Maamulka ciidamada PSFta kadib markii uu xilka qaadis ku sameeyay Madaxweyne Deni taliyihii ciidamada PSFta kaasoo diiday xil ka qaadista lagu sameeyay;

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Maxkamada ciidamada Puntland;

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More