Midowga Musharaxiinta oo soo jeediyay in la hakiyo doorashada shir wadatashina la isigu yimaado

Midowga Musharaxiinta ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xaalada doorashada, iyagoo soo jeediyay in doorashada la hakiyo, shir wadatashi la isugu yimaado, si loo joojiyo boobka, lana xaliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku bilowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in la saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada oo ay ugu horeyso in la shaaciyo liiska 135 Oday dhaqameed iyo in la xaqiijiyo Ergada doorashada ay yihiin kuwo ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka ee la diiwaan geliyay.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeyb galaan doorashooyinka, haddii la waafajiyo shuruudaha ay soo jeediyeen, haddii la baal maro waxay qaadi doonaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah samata bixinta Qaranka iyo qabashada doorasho hufan oo loo qaadan karo inay tahay inay dhisayaan Gole Kumeelgaar ah oo dalka maamula.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More