Maxkamada gobolka Banaadir oo soo saartay amar lagu xayirayo lacagta Imaaraadka Carabta

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa qoraal uu soo saaray ku amray Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka in aan laga saari karin qasnada dowladda lacagtii Imaaraadka Carabta ee gaareysay 9.6 Milyan illaa laga soo dhameynayo baaritaanka iyo go’aan ka gaarista kiiska lacagtaas ee horyaala Xafiiska Xeer Ilaaliyaha iyo hey’addaha baarista.

Qoraalka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu soo beegay, iyadoo maanta wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ay socdaal ugu ambabaxeen dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa horay ugu dhawaaqay in lacagtii Imaaraadka Carabta dib loo celinayo, kaddib markii uu raali gelin ka bixiyay dhacdadii April 2018 ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More