Maxkamadda Hargeysa oo amartay in 5 maalin xabsiga lagu sii hayo 13 suxufi

April 16 (Jowhar.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in goordhow maxkamad la soo taagay 13 suxufi oo ka howlgasha warbaahinta madaxa banaan, kuwaasoo maalinkii 3-aad ku jira xabsi, iyagoo loo heystso tabinta rabshadihii ka dhacay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, halkaasoo ay ku dagaalameen ciidanka asluubta iyo maxaabiis hub heshay.

Maxkamadda Hargeysa ayaa maanta dhageysatay eedaha loo heysto suxufiyiinta, iyadoo goobta ay ku sugnaayeen qareenada difaacaya wariyayaasha, iyadoo maxkamada ay go’aamisay in kiiskan dib laga dhageysan doono, waxeyna amartay in 5 malain xabsiga lagu sii hayo suxufiyiinta, markaasi kadibna go’aan ay soo saari doonto.

Suxufiyiinta xiran ayaa ku jira qaar caan ka ah deegaanada Somaliland, sida Maxamed Ilig oo kamid ah madaxda warbaahinta MMSomaliTV iyo Xasan Galeyr oo ah wariyaha BBC-da uga soo warama magaalada Hargeysa.

Si kastaba, Kulan ay isugu yimaadeen xalay qaybaha kala duwan ee warbaahinta madaxabannaan ee Somaliland  ayaa lagaga wadahadlay xariga suxufiyiinta tirada badan, falanqayn dheer kadibna waxa kulankaas ka soo baxay qodobo ay kamid yihiin iney ka fiirsanayaan la sii shaqeynta xukuumadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More