Meydka Imaam Masjid oo lagu diley Maraykanka oo la helay

Wararka ka imanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in la helay xalay meydka Alle ha u naxaristee Sheekh Maxamed Xasan oo Imaam ka ahaa Masjika Abuu-hureyra ee magaalada Columbus ee dalka Mareykanka.

Sheekh Maxamed ayaa la weysanaa muddo labo maalmood ah hase yeeshee waxaa xalay laga helay meydkiisa oo dhaawacyo culus ka muuqdaan meel la dhigo baabuurta duugowday magalada Columbus.

Lama oga illlaa hadda cida ka dambeysa dilka Sheekh Maxamed hase yeeshee ciidamada Booliska dalka Maraykanka ayaa sheegaya inay baaritaan kusameynayaan cidda ka dambeysay dilka sheekha.

Magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa waxaa hore loogu diley dhalinyaro Soomaaliyeed balse majirto cid loo soo qabtay dilkooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More