Terminalka Movcon ee ay isticmaali jireen Qaramada Midoobey iyo AMISOM oo la xirey

Maareeye kuxigeenka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in la xiray illaa amar dambe Terminalka Movcon ee ay isticmaali jireen Qaramada Midoobey, AMISOM iyo Safaaradaha reer Galbeedka, kaddib warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale waxaa lagu amray inay wixii hadda ka dambeeyay dhammaan duulimaadyada imaanaya iyo kuwa baxaya inay isticmaalaan Terminaalada qeybaha gudaha, caalamiga iyo qeybta VIP-da.

Lama shaacin sababta keentay in la xiro Terminalka ka mid ahaa kuwa ugu mashquulsan ee garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More