Midowga Afrika oo taageeray codsiga dowladda Soomaaliya ee ahaa in saddex bilood dib loo dhigo  bixitaanka ATMIS

Oct 07 (Jowhar.com)-Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa taageeray codsiga dowladda Soomaaliya ee ahaa in mudo saddex bilood ah dib loo dhigo in dalka laga saaro 3,000 askari oo ka tirsan ciidamada ATMIS.

War-murtiyeedka golaha ayaa lagu sheegay iney aqbaleen codsiga dowladda, iyadoo la hakiyo qorshaha biixtaanka oo ahaa in dalka laga saaro ciidamadaasi.

Golaha Midowga Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyay ballan-qaadka dalalka ay ciidamada ka joogaan Kenya, Itoobiya, Burundi, Jabuuti, iyo Uganda ee ah inay la shaqeeyaan Soomaaliya iyo saaxiibada kale, si loo helo taageero maaliyadeed oo looga baahan yahay xilliga kala guurka.

Si kastaba, Lama oga in la tixgalindoono codsiga Midowga Afrika, iyadoo la ogsoon yahay in golaha ammaanka Qaramada Midoobay uu muddo hal bil ah dib u dhigay bixitaanka 3000 askari oo katirsan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More