Wararkii u danbeeyay madaafiic culus oo lagu garaacay Israa’iil

Oct 07 (Jowhar.com)-Dhowr iyo toban gantaal ayaa laga soo tuuray marinka Qaza iyagoo lagu gannay gudaha Israa’iil subaxnimadii Sabtida ee maanta oo bisha tahay 7dii Oktober.

Seeriga duullaanka cirka ayaa ka dhacay koonfurta Israa’iil waxaana laga maqlay aagga weyn ee Tel Aviv, oo tobanaan kiiloomitir waqooyi ka xiga.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in madaxda ammaanka lagu wado inay kulmaan waqti dhaaw oo maanta ah .

Ma jirto cid si degdeg ah u sheegatay mas’uuliyadda gantaaladan lagu garacaay gudaha israil saaka oo sabti ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More