Midowga Musharaxiinta oo baaq cad u direy Beesha Caalamka

Midowga Musharaxiinta ayaa soo saaray qoraal ka kooban labo bog kaasoo si toos ah ugu socotay xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya UNSOM halka sidoo kale lagu ogeysiiyay dalalka beesha caalamka.

Midowga Musharaxiinta ayaa ku baaqay in wax laga qabo oo aan indhaha laga qarsan qaabka ay dowlada federalka ku hoggaamineyso doorashada dalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in beesha caalamka aysan ka hadlin doorashooyin ka dhacay qaar ka mid ah dowlad goboleedyada oo la musuqmaasuqay taas darteedna ay sababtay in uu ku dhiirado Madaxweyne Farmaajo in uu isku dayo in uu ku shubto doorashada federalka.

Halkan ka aqriso qoraalka ay soo saareen Midowga Musharaxiinta;

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More