Midowga Musharaxiinta oo ka digey in la boobo kuraasta Golaha Shacabka

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray qoraal ka kooban lix qodob kuwaasoo ku saabsan doorashada golaha shacabka iyadoo uu Midowgu walaac Xooggan ka muujiyay dib u dhaca jadwalka doorashada.

Golaha ayaa dalbay in lahelo jadwal mideysan oo ay ku cadahay taariiqda bilwoga doorashada golaha shacabka iyo dhamaadkeeda.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ku baaqay in odayaasha dhaqanka loo daayo hanaanka soo xulista ergada isla markaana si siman loogu tartamo kuraasta Golaha Shacabka.

“Madaxda maamul goboleedyada waxa ay u madax banaanaayeen magacaabista kuraasta aqalka sare doorashada aqalka sare Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkana waxa ay marqaati ka ahaayeen sdii loogu takrifalay marka laga reebo meelo kooban.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta.

Akhriso Lixda qodob ee ay soo saareen Midowga Musharaxiinta

1- In la helo jadwal doorasho oo mideysan oo ay ku caddahay taariikhda billawga doorashada xubnaha Golaha Shacabka iyo dhammaadkeeda.

2- In ay doorashu noqoto mid si daahfurnaan leh ku dhacda, loona madaxbanneeyo odayaasha dhaqanka beesha kursiga ku astaysan soo xulista ergada, fursad simanna loo siiyo tartamayaasha oo idil, goobta doorashadu ka dhacaysana loo sinnaado.

3- Madaxda Dowlad Goboleedyadu waxay awood u lahaayeen magacaabista kuraasta Aqalka Sare. Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba waxay marag ka ahaayeen sidii loogu takrifalay doorashadii Aqalka Sare marka laga reebo meelo kooban.

4- Goluhu wuxuu ka dhigayaa cawaaqib xumida ka dhalan karta in la boobo doorashada kuraasta Golaha Shacabka. Dalkeenu wuxuu ka soo kabanayaa colaad sokeeye, doorasho la boobana natiijadeedu waa colaad sokeeye, sidaas darteed waa in aan si wadajir ah uga hortagnaa boobka doorashada.

5-In la helo korjoogto ka socota bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka, si loo hubiyo hufnaanta doorashada.

6- Goluhu ma aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn oo maalinba kuraas tiro yar la shaacinayo. Wuxuu kaloo aqbali doonin doorasho la boobo, lagu shubto oo beelihii xaqa u lahaa kursiga la dulsaaro dad aysan iyagu soo dooranin.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More