Midowga Musharaxiinta oo soo dhaweeyay xilka qaadista Xubno ka tirsan Guddiga Khilaafaadka

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweeyay tallaabada uu xilka uga qaaday Xubno ka tirsan Guddiga xalinta Khilaafaadka si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashooyinka loogana hortago ku xadgudubka xuquuqda muwaadinka.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inuu is garab taagayo tallaabo kasta oo lagu saxayo geeddi socodka doorashada si loo helo doorasho natiijadeeda lagu kalsoonaan karo, dalkana ka samata bixin karta qalalaase amni iyo mid siyaasadeed.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More