Midowga Musharaxiinta oo soo dhoweeyay in hoggaanka doorashada lagu wareejiyo Rooble

Midowga Musharaxiinta oo soo dhoweeyay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka iyo amniga dalka, diyaar u yihiin in Ra’iisul Wasaaraha kala shaqeeyaan qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhaca waqtiga ugu dhow.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay ra’iisul wasaare Rooble inuu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha doorashooyinka,uusana la safan dhinac ka mid ah dhinacyada tartamaya.

Midowga Musharaxiinta Madaxweyanaha ayaa soo jeediyay in Xukuumadda xilgaarsiinta magacaawdo hoggaan mideyn kara Ciidanka dowladda Federaalka, maadaama ay sheegeen in Ciidamada ay u kala qeybsameen diidmada iyo difaaca muddo kororsiga sharci-darrada ahaa.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More