Mucaaradka Kenya oo iclaamiyay dibadbaxyo ka dhan ah Wiiliam Ruto

Mar. 17 (Jowhar.com)-Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku dhawaaqay fasax dadweyne oo maalinta Isniinta ah ee 20-ka bishan ka dhaqangalaya dalka Kenya, waxaana hadalkan uu jeediyay xilli uu la hadlayay taageerayaashiisa.

Dalka Kenya, wali waxaa kasii socda dibadbaxyada ay dhigayaan masuulyiinta xisbiga Azimio iyo taageerayaashiisa kaasoo doorashadii sanadkii hore looga adkaaday, balse dhowaan shaaciyay inay qaaddaceen natiijada doorashada oo aysan Madaxweyne Ruto u aqoonsanayn Madaxweyne.

Wasiirka Difaaca Kenya Aden Barre ayaa sidoo kale sheegay in Raila uu doonayo in laga qeybgalayo dowladda Madaxweyne Ruto balse ay iyagu diidan yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More