Mucaaradka Koofur Galbeed oo mar kale gaaray Dhuusa-mareeb iyo xogta kulamada socda

Oct 06 (Jowhar.com)-Waxa barqanimadii maanta gaaray magaalada Dhuuso-mareeb siyaasiyiinta ka soo hor-jeeda maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin guddoomiyayaashii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, madaxweynihii hore ee koonfur-galbeed, wasiiro iyo siyaasiyiin kale.

Waxay magaaladaas kula kulmi doonaan madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo labadii bilood ee u dambeeyay ku sugnaa Dhuusanareeb, kaas oo ay sheegeen inuu ka codsaday inay kulan ay yeeshaan.

Qorshaha siyaasiintaas ayaa marka hore ahaa, in shalay oo 5-ta bisha ku beegnayd aadaan magaalada Baydhabo ee xarunta hada maamulka koonfur galbeed, balse waxay safarkooda u baajiyeen inay Dhuusamareeb aadaan, Waxay sheegeen in kulankaas kadib ay aadi doonaan Baydhabo.

Weli waxaa uu khilaaf ka taaganyahay xilliga rasmiga ah oo uu dhacayo muddo xileedka maamulka koonfur galbeed, oo heshiis bilowgii sanadkan la gaaray uu xilheynta ugu kordhiyay ilaa dhammaadka Oktoobar.

Siyaasiinta ayaa labadii todobaad ee u dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, shirkaas oo ay uga hadlayeen arrimaha doorashooyinka koonfur galbeed iyo dagaalka ka dhanka ah al-shabaab.

Safarka siyaasiintan waxaa ka sii horeeyay safar uu talaadadii la soo dhaafay isla Dhuusamareeb ku tegay madaxweuynaha koonfur galbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo halkaas kula kulmay madaxweyne Xassan Sheekh.

Arrimaha ugu waaweyn ee ay ka wada hadleen waxa kamid ahaa arrimaha siyaasadda iyo doorashooyina koonfur galbeed.

Waxaa loo badinayaa in kulanka xubnaha mucaaradka koonfur galbeed iyo madaxweyne Xassan Sheekh diiradda lagu saari doono arrimaha doorashooyinka maamulka koonfur galbeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More